Warbaahin wax dhista

Sawirro: Turkiga oo soomalia usoo diray markab sida raashin gargaar ah

0 111

Wadanka soomalia waxaa kusoo wajahan markab sida shixnad gargaar ah oo dowladda turkiga ay usoo dirtay shacabka soomaliyeed.

Markabkaan ayaa waxa uu wadaa deeq raashin ah oo dhan13,000 tan , oo ka kooban nuucyada kala duwan ee cuntadda.

Markabkaan ayaa kasoo shiraacda dekadda Tasucu Port ee wadanka turkiga iyadoona la filaayo in soomalia uusoo gaaro maalmaha soo socda insha allah.

Raysal wasaare ku xigeenka Turkiga Veysi Kaynak oo ka qeyb galaayay munaasabad lagu soo sagootinaayay markabkaan ayaa sheegay in dowladda turkiga ay marwaliba garab taagantahay dowladda iyo shacabka soomaliyeed ee muslimka ah.

Ra’isul wasaare ku xigeen Veysi Kaynak waxa uu intaa ku daray in turkiga uu mashaariic horumarineed ka wado muqdisho isagoona soo hadal qaaday dhismaha xarun ciidan oo dowladda turkiga ay muqdisho ka wado taasi oo dhawaan la daah furi doono.

Xaruntaan milatari ee turkiga ka dhisay muqdisho ayaa waxaa loogu tala galay in lagu tababaro ciidamada xoogga dalka ee loo diyaarinaayo in AMISOM ay kala wareegaan ammaanka dalka oo dhan.

Akhrisay (2)

Leave A Reply

Your email address will not be published.