Magaalada Garoowe oo maanta Lagu doortay Kursi Horay loo diiday Doorashadiisa

0

Magaalada Garoowe Waxaa Maanta lagu qabtay Doorashada Mid kamid ah Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Dhawaan ay Celiyeen Guddiga Doorashada kadib Markii Musuq maasuq lagu eedeeyay in kuraastaasi ay kusoo baxeen.

Kursigaan Maanta lagu doortay Magaalda Garoowe waxa uu kamid ahaay 5 Kursi oo ay celiyeen Guddiga Doorashada waxaana Puntland ay maanta soo gaba gabeysay Doorashadii Aqalka Hoose kadib Markii ay doorteen Xildhibaankii ugu dambeeyay ee ka imaanayay deegaanada Puntland.

Doorashada waxa ay ka dhacday Xarunta Jaamacadda PSU ee Magaalada Garoowe waxaana doorashadii Maanta Marka kusoo baxay Xildhibaan Cabdi Maxamuud Afdhuub, oo horay loosoo celiyey isagaana Markale ku guuleestay Kursiga Beeshiisa Ugaar Saleebaan.

Xildhibaan Afduub waxaa doorashada Kursiga Beeshiisa kula tartamaayay Musharax kale oo lagu Magacaabo  Maxamed Cali Madoobe waxaana markii dambo doorashada kusoo baxay Xildhibaan Afduub oo sida Muuqatay kursiga Beeshiisa ay isaga la dooneysay.

Akhrisay (21)

Share.

About Author

Leave A Reply