Maamulka madaxweyne trump oo kordhinaya dagaalka ka dhanka ah al-shabaab

0

Dowladda mareykanka ayaa ka dhawaajisay in ay kordhineyso howlgalka ka dhanka ah alshabaab ee soomaliya ay ka wadaan.

War ka soo baxay xafiiska wasaaradda gaashaandhiga ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu meel mariyay codsi ku aadanaa in taageero loo fidiyo ciidamadda AMISOM iyo kuwa Soomaalida ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Maamulka trump ayaa isku dayaya in taageero u muujiyo howlgalka amisom ee soomalia iyo in dardar galin lagu sameeyo qorshaha milatari ee mareykanka ka fuliyo soomalia kaasi oo inta badan ay drones-ka mareykanka ya ku beegsadaan horjoogayaasha kooxda alshabaab.

Qorshahaan milatari ee trump uu ansixiyay ayaa waxaa laga yaabaa in ay horseedo in ciidamo dheeraad ah la keeno gudaha dalka soomalia.

Akhrisay (17)

Share.

About Author

Leave A Reply