Guddoomiye ku xigeenkii baarlamaankii dowladdii c/qaasim salaad xasan oo xalay muqdisho ku geeriyooday

0

Magaalada muqdisho waxaa xalay ku geeriyooday alle ha u naxariistee guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka soomalia Axmed Abroone Amiin.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaankii dowladdii TNG-da ee uu hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan ayaa waxaa shalay galab kusoo booday xanuun deg deg isagoona loola cararay cisbitaal balse xalay uu ku geeriyooday.

Allaha u naxariistee Axmed Abroone Amiin ayaa soo noqday Xildhibaan dowladdii lagu soo dhisay Carte ee dalka Jabuuti, waxaa uu ahaa Guddoomiye kuxigeen Baarlamaan.

Sidoo kale waxaa uu muddo 100 maalmood uu dalka ka ahaa Ku sime Madaxweyne, iyadoo tan iyo sanadkii 2000 aanu ka bixin dalka, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho la qeybsanayay duruufaha kala duwan.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid allaha ha u naxariistee guddoomiye ku xigeenkii baarlamaankii TNG-da ee lagu soo dhisay magaalada carta ee dalka jabuuti.

Akhrisay (1)

Share.

About Author

Leave A Reply