Galmudug oo fureysa waddooyinka xiran ee magaalada galkacyo

0

Maamulka galmudug ayaa shaaca ka qaaday in ay furi doonan waddooyinka ku xirmay dagaaladii ka dhacay magaalada galkacyo.

Masuuliyiinta magaalada galkacyo qeybta ay galmudug maamusho ayaa waxa ay ka dhawaajiyeen in dhawaan ay furi doonan waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada ka xiran kuwaasi oo ku xirmay dagaaladii dhexmaray galmudug iyo puntland.

Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Xersi Yuusuf Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in galmudug ay ka go’antahay in ay furto waddooyinka si isku socodka dadka iyo gaadiidka u fududaado dadkuna ay isku dhex galaan.

Puntland ayaa horay u sheegtay in dhankeeda ay furi doonto waddooyinka xiran ee galkacyo waxaana tani ay timid kadib heshiis ay labada madaxweyne horay ugu wada saxiixdeen muqdisho

Akhrisay (8)

Share.

About Author

Leave A Reply