Donald Trump oo xilka ka qaaday Ku simaha Xeer ilaaliyaha Guud ee Mareykanka oo go’aankiisa ka hortimid

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilkii ka qaaday Sally Yates oo aheyd Kusimaha xeer ilaaliyaha guud ee Dalka Maeaykanka.

Xilka qaadistan ayaa ku soo beegamaysa ka dib markii ku simaha xeer ilaaliyaha ay amar ku siisay sharciyaqaanada wasaaradda garsoorka ee maraykanka inaanay difaacin amarka madaxweynaha ee mamnuucaya inay maraykanka soo galaan dadka ka soo jeeda 7 dal oo muslim ah.

Trump ayaana xilka uga qaaday Ku simaha Xeer ilaaliyaha kadib markii ay sameysay Amar diido aynu sharciyaqaanada fartay in ay ka horyimaadaan go’aan Madaxweyne.

Madaxweynaha waxa uu Si KMG ah xilkaan ugu magacaabay Haweeney lagu magacaabo Dana Boente oo ah eyd xeer ilaaliyaha bariga Virginia.

Trump ayaa ku adkeysanaya go’aanka uu ka soo saaray in wadanka Mareykanka ay soo galaan dadka ka soo safraya 7 Dal oo ay Soomaliya ku jirto.

Akhrisay (4)

Share.

About Author

Leave A Reply