Dhageyo: Soomaliya oo Internetka uu ka Maqnaay Xalay ilaa iyo Saakay iyo Sababta oo la ogaaday

0

Adeegyada Internetka ee meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa go’an iyadoo magaalada Muqdisho oo uu ka go’naa habeenkii xalay iyo maanta gelinkii hore la sheegay inuu si gaabis xilligan usoo laabanayo.

Inkasta oo mararka qaar la dareemao in internet-ka go’o, ama shirkadaha bixiya ee qaar ay cilad ku timaado, haddana waa markii ugu horreysay ee internet-ka gebigiisba uu go’o.

Jaaamc Maxamed oo ah khabiir dhinaca isgaarsiinta caalamiga ah ayaa sheegay in Ciladaan Internetka aysan ku ekeyn kaliya Wadanka Soomaliya Balse ay saameysay Wadamo Badan oo bariga Afrika ku yaala .

Wadamada ay saameysay waxaa kamid ah laga soo bilaabo suudaan ilaa south Afrika iyo Jaziirada ku xeeran Bariga Afrika ayey Saameyn ku yeelatay.

Mudo 12 Saac ayaana lagu xaliyay Cilad soo wajahday Cable Internet ah oo Badda yiilay waxaana gacanta ku ahaya Shirkad laga leeyahay Wadanka Koonfur Afrika.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysi ku saabsan Internetka Soomalia ka go’ay

Akhrisay (5)

Share.

About Author

Leave A Reply