Saldhigga booliiska degmada Xamar Jajab ayaa dib lagu sameeynayaa iyadoo maanta ay kormeereen duqa Muqdisho iyo taliyaha booliiska.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka qaybqaadanayaan dhismaha saldhigga Booliska Xamar Jabjab, isagoo xusay inay ku kabayaan dhismaha saldhigga lacag dhan tobon kun oo doolar,
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamad Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka sheekeeyay sida ay ku dhalatay fikrada dhismaha saldhigaan iyo marxaladiihii uu soo maray, waxaana uu intaa ku daray in si iskaa wax uqabso ah lagu dhisayo saldhigaan.
“Runtii bishii November ayaan halkan dhagax dhignay oo aan bilownay in laga dhigo saldhig boolis, howshan waxaa lagu bilaabay lacag ay iska arruuriyeen ciidanka booliska iyo Maamulka degmada Xamar Jajab oo dhankooda wax ku kabay, marka waxaan ganacsatada ka codsaneynaa inay gacan ka geystaan dhismaha saldhigan, oo qeyb ka ah qorshaha dhiso dalkaaga Hooyo” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska.
Dhismahan saldhigan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ciidanka booliska ee gobolka banaadir iyo ciidamo kale oo tababbar ugu xareysan dugsiga tababbarka ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiya.
Akhrisay (6)