Ciidamada jarmalka ka socda ee soomaliya jooga oo mudo xileedka loo kordhiyay

0

Dowladda jarmalka ayaa waqtiga u kordhisay ciidamadeeda ku sugan dalka soomaliya .

Baarlamaanka wadanka jarmalka ayaa meel mariyay qaraar waqtiga loogu kordhinaayo ciidamada jarmalka ka socda ee soomaliya ku sugan.

Sidoo kale baarlamaanka dalkaasi wuxuu go’aamiyay in 20 askari oo dheeraad ah loo diro soomaliya si ay ugu biiraan macalimiin tababarayaal ah oo soomaliya ku sugan kuwaasi oo gaaraya 11 macalin waxayna laeyliyaan oo ay tababaraan ciidanka xooga dalka soomalia.

Dowladda Jarmalka waxaa horey Soomaaliga uga Joogey 11 Askari oo tababarayaal ah, kuwaasoo qeyb ka ahaa tababarka Ciidamada Soomaaliya oo la dagaalamaya Malleshiyaadka argagixisada Shabaab oo falal gummaad ah ka geysta Soomaaliya.

Akhrisay (21)

Share.

About Author

Leave A Reply