Warbaahin wax dhista

Ciidamada dowladda iyo kuwa amisom oo ku wajahan deegaanada awdheegle iyo janaale oo shabaab ay ku suganyihiin

0 173

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada hoose ayaa waxa ay sheegayan in ciidamada dowladda iyo kuwa amisom ay dhaq dhaqaaq ciidan ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamada huwanta ayaa isku diyaarinaya howlgallo qorsheysan oo alshabaab looga saaraayo deegaanada ay ka maamulaan gobolka shabeellada hoose.

Howlgallada waxaa si gaar ah loogu bartilmaameedsanaya deegaanada aw-dheegle iyo janaale oo shabaab ay gobolka ka maamulaan waxaana ciidanka huwanta ay isku diyaarinaya in deegaanadaasi shabaab dagaal uga saaraan.

Howlgalkaan waxaa horay ugu baaqay ra’isul wasaare kheyre isagoo ciidamada xoogga ugu baaqay in shabaab ay kula dagaalamaan gobolka shabeellada hoose ayna ka saaraan deegaanada ay maamulaan.

Dadka ku nool deegaanada awdheegle iyo janaale ayaa baqdin xoogan ka qaba duulaanka kusoo wajaha deegaanadooda waxaana intaa dheer in shabaabka qudhooda ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaanadaasi.

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Jen, Caanood ayaa warbaahinta horay ugu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar u yihiin in shabaab ay ka saaraan gobolka shabeellada hoose deegaanada ay ka maamulaan.

 

Akhrisay (39)

Leave A Reply

Your email address will not be published.