Ciidamada ammaanka Uganda oo mar kale xiray Kizza Besigye

0

Kizza Besigye oo ka mid ah musharrixiintii la tartameysay madaxweynaha Uganda doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaasi  ayaa maanta mar kale la xiray, markii ciidamada booliska ay ku qabteen banaanka gurigiisa, xilli uu doonayay inuu abaabulo dibad bax ka dhan ah Madaxweyne Yoweri Museveni

Kizza Besigye ayaa xabsi guri ahaa tan iyo maalintii Sabtidii, xilligaasoo si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijada doorashada.kaddib markii uu ku gacan seyray natiijada doorashada, uu uu ku tilmaamay mid lagu shubtay.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyay Kizza Besigye inuu abaabulayo qalalaase, waxaana uu xusay inay hayaan cadeymo, ayna Maxkamadda ku soo bandhigayaan.

Kizza Besigye ayaa goor dhow dib loogu soo celiyay Gurigiisa, waxaana xaalada guud ee magaalada Kampala ay tahay mid degan, hase ahaatee laga baqayo rabshado inay dhacaan.

 

Akhrisay (14)

Share.

About Author

Leave A Reply