Ban Ki Moon oo gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi “Sawirro”

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura ee Caasimada Burundi, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Burundi Gaston Sindimwo ayaa soo dhaweeyay Ban Ki Moon, waxaana ujeeddada safarkiisa lagu sheegay sidii loo xalin lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaas ka jira.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa maanta lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Burundi Peirre Nkurunziza, isagoo kala hadli doona sidii qalaalasaha dalkaas ka taagan loo soo afjari lahaa.

Mr Ban ayaa ku cadaadin doona dowladda iyo Mucaaradka inay tagaan Caruusha, si loo sii wado dadaallada nabadeed ee lagu soo afjarayo qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaas ka jira mudada sanadka ku dhow.

Sidoo kale maalinta khamiista ee soo socota ayaa lagu wadaa in Burundi ay tagaan Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma iyo Hogaamiyeyaal Afrikaan ah, si ay dadaal ugu galaan xal u helida mushkilada siyaasadeed ee dalkaas ka taagan.

Tan iyo bishii April ee sanadkii hore ayaa dalka Burundi waxaa ka taagnaa qalalaase siyaasadeed kaddib markii Madaxweyne Nkurunziza ku dhawaaqay inuu mar saddexaad isu soo taagayo xilka Madaxtinimada waxaa rabshado ka dhacayay dalkaas ku dhintay boqolaal ruux.

Ban-burundi-1 Ban-burundi-2 Ban-burundi-3 Ban-burundi-4 Ban-burundi-5

 

Akhrisay (28)

Share.

About Author

Leave A Reply