Sawirro: Tababar loo soo xiray saraakiil ka tirsan hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda dowladda federaalka

0

Ku xigeynka Agaasimaha Guud ee Hey’adda socdaalka iyo jinsiyada Cabdulahi Xaaji Bashiir ayaa manta tababar u soo xiray saraakiil tirsan Hay’adda oo loo tababaray in ay ka howlgalaan xarumaha xaduudaha dalka.

Saraakiishan manta tababarka loo soo xiray ayaa si buuxda uga howlgali doono xarumo ay Hay’adda ugu talagashay in lagala socdo dhaqdhaqaaqa xarumaha xaduudaha dib loo howlgaliyay ee ku yaala Ceel Barde iyo Balanbal.

Waxaa horay xarumo lagala socdo xaduudaha dalka looga furay magaalooyinka Doolow, Baledxaawo, Dhoobley.

Ku xigeynka Agaasimaha ayaa kula dardaarmay saraakiishan in ay si wanaagsan u gutaan wajibka la saaray isla markaana ay arakti dheer u yeeshaan arimaha socdaalka xaduudaha ay masuulka ka yihiin.

Akhrisay (18)

Share.

About Author

Leave A Reply