Sawirro: Dowladda indonesia oo soomalia ku wareejisay deeq raashin ah oo loogu tala galay dadka ay abaartu saameysay

0

Wasaarada Gargaarka iyo Gudiga Abaaraha iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa Manta Lagu Wareejiyay Deq Raashin ah oo Loogu Tala Galay Dadka Abaaruhui Sameeyeen.

Markabka ay saarneyd deeqdaan gargaarka ah ayaa waxa uu maanta kusoo xirtay dekedda weyn ee magaalada muqdisho waxaana soomalia usoo dirtay dowladda indonesia.

Wasaarada gargaarka Soomaaliya ayaa la wareegtay deeqdaan ka timid dalka Indonesia, waxaana madaxda wasaarada ay sheegeen in la gaarsiin doono shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaarada gargaarka Maryan Qaasim, ayaa sheegtay inay uga mahadcelineyso dowladda Indonesia gargaarka ay usoo tirtay shacabka Soomaaliyeed, lana gaarsiin doono dadka xaqa u leh.

Geesta kale guddiga gurmadka abaaraha qaran ee uu ka socday shiikh bashiir salaad ayaa uga mahad celiyay dowladda indonesia deeqdaan ay usoo direen shacabka soomaaliyeed.

Akhrisay (15)

Share.

About Author

Leave A Reply