Madaxweyne xaaf oo magaalada caabud-waaq ka wada kulamo gaar gaar ah

0

Madaxweynaha maamulka galmudug axmad ducaalle geelle xaaf oo ku sugan magaalada caabud-waaq ee gobolka galgaduud ayaa waxa uu kulamo la leeyahay waxgaradka iyo odayaasha dagmada.

Xaaf oo shalay gaaray caabud-waaq ayaa xalay ku hoyday magaalada markii ugu horeysay waxaana uu wadaa kulamo gaar gaar ah oo uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada ,siyaasiyiinta,waxgaradka ,cuqaasha iyo xubno kale.

Warar hoose oo ay heleyso somnews.net ayaa waxa ay sheegayan in madaxweyne xaaf uu caabud-waaq kula kulmayo xubo ka tirsan ahlu-sunna waljamaaca.

Xubno ka socda ahlu-sunna ayaa dhawaan waxa ay gaareen caabud-waaq si ay ul kulmaan madaxweyne xaaf waxaana lagu wadaa in ay kala hadlaan arimo dhowr ah oo ay ugu horeyso isku soo dhawaanshiyaha maamulka cusub ee galmudug iyo maamulka ahlu-sunna ee gobollada dhexe.

Madaxweyne xaaf ayaa sidoo kale lagu wadaa in maanta uu dhagax dhigo xabsiga dhexe ee magaalada caabud-waaq kaasi oo galmudug ay markii ugu horeysay ka hirgalineyso .

 

Akhrisay (4)

Share.

About Author

Leave A Reply