Madaxweynaha dowladda federaalka oo booqasho ku tagi doona magaalada kismaayo

0

Madaxweynaha jamhuuriyadda soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo ayaa lagu wadaa in uu socdaal ku tago magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose.

Ilo wareedyo ku sugan madaxtooyada villa soomalia ayaa laga soo xigtay in madaxweyne farmaajo uu isbuucaan gudahiisa booqashadii ugu horeysay ku tagi doona magaalada kismaayo waana booqashadii seddexaad ee dalka gudahiisa uu madaxweynaha ku tago.

Madaxweyne farmaajo ayaa waxa uu kulamo kula qaadan doona magaalada kismaayo mas’uuliyiinta maamulka jubbaland.waxgaradka,odayaasha ,haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer jubbaland.

Ammaanka magaalada kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana magaalada lagu arkaya ciidamada jubbaland oo amniga si weyn u adkeynaya.

Ciidamo gaar ah ayaa sidoo kale madaxweynaha uga sii hormari doona magaalada kismaayo oo ammaankiisa xaqiijin doona.

Mas’uuliyiin jubbaland ka tirsan ayaa sheegay in madaxweyne farmaajo ay suurta gal tahay in maalinta beri uu kismaayo soo gaaro hadii socdaalkiisa uusan dib u dhac ku iman.

Socdaalka madaxweyne farmaajo ee kismaayo ayaa waxaa qeyb weyn ka ah in uu kulamo la qaato saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa jubbaland ee isku diyaarinaya dagaal ka dhan ah alshabaab oo ka bilaaban doona jubbooyinka.

 

Akhrisay (66)

Share.

About Author

Leave A Reply