Qarax miino oo ciidamada maamulka hirshabeelle lagula eegtay duleedka magaalada jowhar

0

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan qarax xoogan oo maanta ka dhacay duleedka magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellada dhexe.

Qaraxa oo ahaay miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan maamul goboleedka hirshabelle.

Qaraxa wuxuu si gaar ah uga dhacay Controolka Abshir Cali Gure oo ku yaala duleedka magaalada jowhar.

Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxan lala beegsaday ciidamada maamulka hirshabelle balse waxaa lasoo warinaya in waxyeelo ay soo gaadhay gaari qaraxa lala eegtay.

Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa waxaa wararka ay sheegayan in ay ilaalo u yihiin madaxweyne ku xigeenka maamulka hirshabeelle cali guudlaawe

Akhrisay (10)

Share.

About Author

Leave A Reply