“Mucaarad” iyo MUCAARAD waa kala labo oo haddana kala akhris !!! By Wasiir Xoosh

0

Waxaa baryahaan bilowday guux ay wadeen dhowr qof oo siyaasiyiin ah oo ka waday dalka dibaddiisa shir albaabada u xiran yihiin kuna dhawaaqeen in uu caddaad kooda ahaa 80 siyaasiyiin ah, kaa soo la diiday in la sawiro shirka.

Goob jooge xildhabaan ah oo shirka u tagay inuu u kuur galo hadafka laga leeyahay ayaa aniga iyo dad kale oo badan noo sheegay in shirka ay xaadir ku ahaayeen 12 qof marka isaga lagu daro.

Qoraalkaan kuma saabsana daba gal siyaassiyiinta, dadka ay matalaan, caddadooda iyo waxa hadafkoodu yahay.

Maqaalkan wuxuu falanqeyn ka bixinayaa “ Mucaarad” waxa looga yaqaan caalamka iyo fikradda siyaasadeed ee ay xambaarsantahay oo si cad uga duwan MUCAARAD-ka habowsan oo Somalia ka dhex boodaya. Ka dibna waxaan eegeynaa MUCAARD-ka gurracan oo waddamada qaarkood ka jira sida Somaliya.

Caalamka waxaa “Mucaarad” looga yaqaan siyaasad isku duwan oo ka soo horjeedda xukuumadda dhisan ugana soo hor jeedda maba’adii qayaxan oo ku dhisan cilmi baaris qotto dheer. Aaraadaas “ Mucaaradku”-soo ban dhigo waa mid ummada oo dhan ay fahmi karto inaysan ku saleysneyn laab la kac, shakhsi naceyb, shakhsi jaceyl, iyo isku day xukun ka ridasho oo si garasho xumo ah loo hagayo. Waa inay ku salaysan tahay cabasho ku aaddan khaladdaad ay xukumadda iyo muxaafidka sameeyeen xaga dhaqaalaha, arrimaha bulshada, amniga, musuqmaasuqa, iyo ku xad gudubyo shuruucda waddanka iyo Dastuurka.

Haddii ay intaas ku salaysan tahay cabashada, “ Mucaarad”-ka waxaa u suurto galeyso inay shacabka soo jiitaan maxaa yeelay shacabka ayaa sideedaba horay u dareemo khaldaadka xukuumadaha sameeyaan. Kaas waa “ Mucaarad”-ka caalamka laga yaqaan, oo mid cilmiyeeysan ah, badanaana ka shaqeeya sixidda siyaasadda xukuumadda. Arintaas xukuumadda iyo shacabkuna uma arakaan dadka “ Mucaarad”-ka ah inay xun yihiin, balse waxeey u arkaan in “Mucaarad”-ku yahay tiir kale oo hagaya dowlad wanaagga iyo dimoqoraadiyadda. Inta badan waxaa la arkaa “Mucaarad”-kii oo hanta shicibka kuna guulaysta marka doorasho la gaaro, baddalana xukuumaddii ay mucaaradayeen. Xukuumadaas cusubna “Mucaarad” cusub baa ka ag-dhasha billaabana inuu karbuuno ku daaro siyaasadeeda.

Haddaba siyaasiyiinta Somaliyeed oo sheegtay inay dhaliilsan yihiin xukuumadda hadda jirta waxay ku sifoobeen inay yihiin MUCAARAD balse aysan ahayn “ Mucaarad”-ka caalamka laga yaqaan.

Marka aad dib u fiiriso xukuumadda hadda jirta oo ay hormuud u yihiin Madaxweeyne Mohamed Abdullahi (Farmaajo) iyo Raisulwasaare Xassan Ali Kheyre wax la taaban karo; laguna dhaliili karo oo ay MUCAARAD-ku soo ban dhigeen ma jirto, mana jiri karto sababaha soo socda awgood.

Xukuumadda waxay jirtaa wax ka yar laba bilood, shicibka iyo caqliga fiyow wuu la yabayaa mucaaradnimo bilaabata wakhtigaan oo kale, maxaa yeelay waxaa loo arkaa laab lakacnimo iyo qaswadanimo oo lagu soo daalay shantii sano ee la soo dhaafay, taasoo sababtay isqabqabsi siyaasadeed oo keentay in la marin habaabo, laguna fashilmo barnaamijyadii dowladda u degsanaa.
Intaas waxaa dheer hayadaha dowladda, sida madaxtooyada, labada aqal ee baarlamaanka iyo hayada fulinta, shacabka iyo caalamaka u arkaan in ay ka dhex muuqato xasilooni siyaasadeed iyo wax qabad xawli ku socda oo ay ka mid yihiin:

1. In dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ay si fiican isula jaanqaadeen oo uusan khilaaf ka dhex jirin, waxaana daliil u ah saxiixii iyo heshiiskii amniga oo ay bishi April wada saxiixdeen iyo tala wadaagii ay ka wada yeesheen shirkii London ee 11kii May.
2. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha xal siyaasadeed ay ka dhalisay xaaladii siyaasaaddii Galmudug oo ku aadanay doorashadii Madaxweeyne Axmed Ducaale (Xaaf) oo ku siyaasad ah dowladda Farmaajo iyo Kheyre.
3. In la dareemaayo in hoggaan tayo leh loo helay hayadaha amniga isla markaasna uu amnigu soo fiicnaanayo.
4. In qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP) uu si habsami leh u bilowday kaa soo hirgelintiisana lagu saleeyn doono howlaha dowladda qorshe Somali leedahay ayna hormuud ka tahay.
5. In xiriirka caalamiga ah ay dowladdu si wacan u wajahday lana xoojiyey xiriirka waddamada dariska ah.
6. In wasaaradda Waxbarashada, Warfaafinta, Dhaliyarada iyo Isboortiga, Haweenka iyo Xuquul Insaanka in ay wada hadalo la wada bulshada iyo mamul goboleedyada si loo soo saaro siyaasad ku aaddan howlahooda.
7. In loo magacaabay Gobolka Banadir dhallinyaro aad wax u baratay, aragti siyaasadeed oo Somalinimo ku dheehantay leh, rajada dhalinyarad Somaliyeedna kor u qaaday. Waa Guddoomiye Taabit, ku-xigeennadiisa Mohamed Salah, Maluka Abdukadir, Xaaji iyo Xoghaya Guud Subeyda M. Mukhtaar, waana markii ugu horesay oo ay Guddoon ama xil sare oo ay dumar ka qabtaan gobolka Banadir iyo Gobolada kale oo dhan.
8. In Dastuurkii ku meel gaarka ahaa oo dhibta badan laga soo maray shanti sano oo la soo dhaafay haatan aragti siyaasadeed ay ka wada yeesheen Hayadaha Fulinta iyo Sharci Dajinta, la iskuna raacay qorhse laba sanadood loogu tala galay in lagu soo afjarayo dib-u-eegista Dastuurka.
9. In intaas oo shaqo ah iyadoo la wado ayaa haddana Xukuumadda waxay ku howlanayd walina ku howlantahay u gurmadka shacabka abaaruhu ku habsadeen iyo sidii loo heli lahaa qorshe siyaasadeed oo ku aaddan maaraynta masiibooyinka iyo sidii looga hortagi lahaa

Gunaanad

Waxaa iga talo ah in ay siyaasiinta wax tabanaayo, ha ahaato arrin shakhsi ama siyaasad ay bal dib u neefsadaan ayna isla miisaanaan wadciga aan ku jrno oo ah wadci xukuumadda 2 bilood wali gaarin, wadci abaaro ku habsadeen waddanka intiisa badan, wadci lagu jiro la dagaalanka nabad diidka, iyo wadci lagu howlan yahay udub u taaggii dowladnimo hanato astaamaha lagu yaqaan dowladnimo.

Haddii ay siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada rabaan inay ka qayb galaan siyaasadda waddanka, Dastuurka ayaa u fasaxayo, loomana diidin. Laakin ha billoobaan ina ay la xaajoodan Xukkuumadda, una soo ban dhigaan sidii wax loo sixi laha. Laakin waa laga fiican yahayin xal loo arko in lala xiriiro dowlado Ajnabi ah.

Tan ugu dambeeysa, haddii ay siyaasiintaan hayaan waxyaalo la taaban karo oo ay rabaan in ay xukkuumadda saxdo, hasoo ban dhigaan haddii talooyinkaas ka soo if baxeen kadib cilmi baaris qotto dheer leh, umaddana ku wada qanci karto si wadar-oggoleed ah.

Aan wado hadalno waa aan heshiinno!!!!

By C/raxmaan Xoosh Jibriil

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka

Akhrisay (12)

Share.

About Author

Leave A Reply