Wariye Hindiyo Xaaji oo ka howl-gasha Warbaahinta Dowladda ayaa Muqdisho Lagu Dhaawacay

1

Hindiyo Xaaji Maxamed, oo ka tirsan shaqaaalaha warbaahinta dowladda ayaa ku dhaawacantay qarax loogu xiray gaarigeeda duhurnimadii maanta. Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka KM4 ee magaallada Muqdisho.

Agaasimaha Raadiyo Muqdisho, Cabdiraxiim Ciise Caddow ayaa sheegay in lug iyo gacan uu dhaawac ka gaaray wariye Hindiyo oo la dhigay mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho.

Hindiyo waxay ka tirsan tahay shaqaalaha Radio Muqdisho iyo SNTV, dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in gaariga loogu xiray waxyaabaha qarxa.

Sanadkii 2012kii ayaa lagu dilay qarax iyo weerar isla socday Liibaan Cali Nuur oo ahaa seyga Hindiyo, laba carruur ah ayuuna uga geeriyooday.

Saraakiisha caafimaadka ayaa qaraxa Hindiyo ku tilmaamay mid culus, wixii warar ah ee ku soo kordhana waan idin la soo socodsiin doonnaa hadduu Alle idmo.

Akhrisay (66)

Share.

About Author

1 Comment

  1. Allaha u naxaristo walashen Hindia gacan ka xaqdarad aya ifka dhaafsisay dowlada Somalia waxaan ka codsaneynaa ineey gacan bir kuso qabato dhahar qabayashi dillaas foosha xun u geystay walashen marxumad Hindiyo

Leave A Reply