Madaxweynaha: “Waqtigii isla xisaabtan la’aanta waa uu dhammaadey, Dagaalka Gaalkacyo waa in la joojiyaa"

2

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalka dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ee u dhexeeya maamullada Galmudug iyo Puntland.

“Waa nasiib darro in la xushmeyn waayo ballanqaadkii shaley ay madaxda Puntland iyo Galmudug ku galeen Gaalkacyo ee ahaa in dagaalka la joojiyo, nabaddana laga shaqeeyo. Waxaan maamullada iyo madaxda Puntland iyo Galmudug xusuusinayaa in uu dhammaadey waqtigii isla xisaabtan la’aanta, dhiigga shacabka ee daadanayana cawaaqibkeeda la dhadhamin doono’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horyaallaan hawlo badan oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho, isla markaana dagaal dambe oo sokeeye aan la aqbali karin in shacabka lagu mashquuliyo.

Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intaa ku darey in khilaaf kasta oo dhaca uu ku qurux badan yahay in wadahadal lagu xaliyo, Soomaaliyana ay ka gudubtey xilligii qoriga wax lagu xalin lahaa.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an mar walbana ay sii wadeysaa dadaalka ku aaddan in xasaradda ka taagan Gaalkacyo nabad lagu xaliyo. Waxaan mar kale farayaa madaxda Puntland iyo Galmudug inay si buuxda ula shaqeeyaan Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ee hawlaha dhexdhexaadinta ku guda jira’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha ugu baaqey hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland, Cabdikariim Xuseen iyo Cabdiweli Maxamed Cali inay u hoggaansamaan, si buuxdana u fuliyaan heshiiski shaley lagu kala saxiixday Gaalkacyo.

Akhrisay (67)

Share.

About Author

2 Comments

  1. Waxay ila tahay waqtigii dagaaloogayaasha shacbiga dhiigiisa ku qubeysan jireen waa dhammaaday waa in dagaal ooge kasta maxkamadda caalamiga la hor geeyaa oo ciqaabta u mudan yahay la marsiiya,caalamku wuu ka daalay dagaalkan nacasnimada ah ee shacbiga soomaaliyeed la isku diray iyagoo og sabab ay ku dagaali karaanba aan jirin waxaa isku diraya cadowga aan Rabin Soomaaliya inay degto oo dadkeedu horumar gaaraan.
    Shacbiga soomaaliyeed oo ku abtirsada diinta islaamku miyaanay ogeyn dagaalkan ka socda gaalkacye oo kale in kii la dilo iyo kan dila iyo ka ku amraba inay Naarta gali doonaan?culimada soomaaliyeed waa inay dhawaaq dheer ku sheegaan in dagaalkan oo kale aakhiro naarta lagu gali doono laguna waari doono.

  2. dagaalka gaalkacyo ka socdo iyo inta hurinaysaba waa cadawga ummadda soomaaliyeed waa mid aan loogu soo gamban geed waa niyad jab la soo deristay ummada soomaaliyeed meelkastooy joogto.
    waa wax lala yaabo in labo mas,uul oo ummad dhan madax u ah inta heshiis waqaceen in isla markiiba dagaalkale la bilaabo. taasina waxeey muujinaysaa in loo baahan yahay in la qaado talaabo xoog leh oo lagu daminaayo colaadaan guracan iyo si aaneey markale wadanka uga qarxin dagaaladaan oo kale.

    marka hore waa in si dhaqso ah loo soo afjaro dagaalka gaalkacyo ka socdo waa in la ogaado cidii dagaalka soo cusbooneysiisay si loogu ciqaabo qaladkooda waayo caalamku waxoow ku dadaalaa hadii dhib dhaco in oow ogaado meesha dhibku ka bilowday si looga feejignaado in ow markale dhaco,anagase arrinkeenu waa horuu soco
    iyo maalinwalbaba masiibo soo cusboonaaneyso, marka si aan qaladku markasto u soo cusboonaanin waa in markii wax dhacaan ow diyaar noo ahaado gudi u xilsaaran daba galida arrimaha dhacay si ay usoo darsaan cida qaladka gashay iyo sida ay wax u dhaceen,waana in ow ahaado gudigaas gudi laga soo soocay shacabka soomaaliyeed oo
    leh dhowr sifood oo ay ugu muhiimsantahay.
    1-daacadnimo
    2-wadaninimo
    3-qibrad iyo cilmi xaq adduun iyo aakhiraba.
    waa in laga illaaliyo in lagu soo xulo qabiil iyo saaxinimo toona waayo gudigaani waxoow masuul kanoqonayaa sidii loo dejinlahaa wadankeena iyo sidii loo baabi,inlahaa mu,aamaraadka ay wadaan inta neceb in soomaaliyo markale lugaheeda ku istaagto ha ahaadaan shisheeye ama shisheeye kalkaale ka daran shisheeyahaha oo ah kan dhowrka iyo labaatanka sano wadanku ka degila,aa oo ah gacanyaraha cadawga soomaaliyeed.

    dagaalka gaalkacyo waxoow maanta noo muujiyay baahi wayn oo wadanka ka jirto oo ah in la helo ciidan soomaaliyeed oo awoodo in oo gacanta ku qabto wadankaan ha ahaato wadanka dhaxdiisa ama xuduudihiisa waa in la helo qorshe muuqdo oo lagu dhisaayo ciidankeeni waa in laga baxo in lagu tashado in caalamku noo dhiso ciidamo ama naga bixiyo mushaaraadka ciidamadeena waayo ciidamo ay kuu dhiseen shisheeye ama ay bixiyaan mushaaraadkooda ciidan noo noqomaayaan hadaan runta isu sheegno,waayo ciidanku waa meesha muujinayso jiritaanka wadanka iyo cisadiisa marka sideen raali ugu noqonaa in ciidankeeni ay noo tababaraan wadamo kale qaasatan in aan maqalno itoobiyo iyo kenyo ayaa noo tababaray ciidan,waa maxaay indho la,aanta na hayso iyo waayo aragnimo la,aanta nahayso xagee laga bartay in wadan cadaw kuu ah ow ciidamadaadi kuu tababaro?
    waxaa kaloo jirto in caalamku ow maanta usoo kala tartamaayo si ow uga faa,iideysto khayraadka wadankeena oo ah wadan curad ah oon khayraadkiisa weli la soo saarin marka aynu soo ceshano cilaqaadka wadamada caalamka aana ka faa,iideysano in ay na garab qabtaan laakiin marnaba yaynaan ogolaanin in aan kula heshiino ineey ciidamo noo tababaraan iyo ineey mushaaraad naga bixiyaan toona waayo askarigii ay tababaraan shisheeyuhu ama ay bixiyaan mushaarkiisa waa maxaay cisada oow u haynaayo madaxdiisa iyo wadankiisa?
    ma diidani in wadamada aynu aadka saaxiibka u nahay ee aan xuduudaha nala wadaagin ee aan naga laheeyn dano dhaqaale in aan u dirsano ciidamo ay noo soo tababaraan waana in ow safiirkeena wadankaas joogo ow si joogto ah ula socdo ciidamadaas,waana in aysan dhicin in marnaba kenyo iyo itoobiyo askarikeenaa loo diro waayo wax oow na taro daaye waxoow noqo doonaa mid bixiyo sirta ciidankeena waxoowna dhabar jabin ku noqo doonaa ciidankasto oo soomaaliyeed markoow dagaal galo.
    waxaan baaq u dirayaa madaxweynaha wadanka oon ogahay inoow dhowr goor ka dhawaajiyay in ciidanka dadaalka ugu weyn la saari doono inoow maanta wixi ka dambeeyo ow ciidamada mushaarkooda ka dhigo mid aan anagu gacanteena ku bixino cidii na garab istaageyso gacanteena hanoogu shubto waxeey na siineyso laakiin yaaney dhicin in ciidankeena iyo dowladooda la kala dhexgalo. waxaan kaloo madaxweynaha ka codsanayaa inoow ku dhawaaqo in shacabkeena ay ciidamada waxka dhisaan waayo shacabkeenu wow ajiibay markii madaxweynuhu ku dhawaaqay mashruuca wadankaada dub u dhiso maantana waxaan shaki ku jirin hadii la sameeyo qorshe wanaagsan oo ciidanka lagu dhisaayo shacabkeenu ka baqiilimaayaaqn ee mudane madaxweyne arrintaas hala dhaqan geliyo wax la dhiso ciidan ayaa ugu qaymo badan waayo xoolo kasto iyo daaro kasto oo la dhiso hadeysan heysan ciidan illaaliyo waxeey u dayacan yihiin cadaw kasto,waa in la sameeyo gudi ka masuul ah sanduuqa ciidamada waxaana aad u tilmaamayaa in culumada soomaaliyeed laga qayb galiyo xoolo ururinta iyo waliba in xoolahaasi ay ku dhacaan gacmo aamin ah oo lagula xisaabtamo, waana in xoolaha dowlada soo galaayo ciidamada loo qoondeeyo in ka mid ah si aan uga maarano in ay ciidamadeenu noqdaan kuwo meelo kala duwan ka amar qaato waayo ciidankaada waxaad ku tashan kartaa markaad adugu gacantaada ku diyaarsato ama ow kuugu gacansiiyo nin aad ogtahay inoow gacal kuu yahay.
    waxaa kaloo waajib ah in maamul goboleedyada laga ilaaliyo ineey samestaan ciidan malatari waa in ciidamadu noqdaan ciidan wadan oo wadankoo dhan u siman maamul goboleedyadu ha samesteen boolis ilaaliyo nabada gobolada laakiin marna yaan loo ogolaan ciidan malatari waayo maanta cid walbaahi way arkaysaa waxa ka dhacaayo gaalkacyo iyo sida ay masuuliyiinti goboladaasu u adeegsadeen ciidamadi iyo hubkey haysteen marka waa in ciidanka xooga dalku ownoqdaa midka amarqaato dowlada fadraalka ah waa in ciidamku qabaa dareen wadaninimo oo sidaas lagu tababaraa ayna ka qayb qaataan dad wadaniyiin ah oo fahamsiiyo qaymaha wadanku leeyahay iyo qaymaha ay ayagu wadanka u leeyihiin taasina waxeey imaankartaa markaan helno qarashaad u qaas ah ciidamada iyo madax fahansan doorka aw leeyahay ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.
    si ow wadankeenu usoo afjaro dagaalada kala duwan ee ka dhacaayo ha ahaadaan kuwa maanta la huriyay iyo kuwa nabad diidkaba iyo si looga maarmo in ciidamo shisheeye, waa in aan u istaagno si aan u dhisano ciidankeeni
    waana in shacab iyo dowlad laga wada qayb qaato dadaalkaas waxaan arrintaan ka dhawaajiyay in ka badan tobon goor laakiin illaa iyo maanta ma arag shacab iyo dowlo isku xiran oo u istaagay in layska kaashado si markale ciidankeeni aan u dhisano waxaanse markaan rajeynayaa waayo aragnimada aan ka qaadanay dagaalkii gaalkacyo in aan u istaagno si aan u dhisano ciidankeeni si ow nooga hor istaago burbur labaad oo wadankeeni ku dhaco.
    waxaa kaloo waajib ah in laga feejignaado in xalka gaalkacyo laga dhigo in ciidamo shisheeye gaalkacyo la geeyo waayo taasi waxeey keeneysaa in shacabka soomaaliyeed qalbigooda la geliyo idinku heshiinkarimaysaan ciidankeenana waxeey u noqonaysaa niyad jab aad u xun oo ah ciidamo shisheeye cidaan aheyn wadankaan ma xalinkaraan,marka gaalkacyo yaan la geyn ciidamo shisheeye waxaana ku filan in aan anagu xalisano isku dhaceena waayo maanta dowlad ayaanu haysanaa waxaana joogo nabad doonadii soomaaliyeed iyo culumaa u diinkii waligood ummadaan sookala dhaxdhaxaadinjiray marka ciidamada shisheeye yaaneey dhaafin ineey naga kaalmeeyaan nabad diidka.
    illaaheey hanaga joojiyo colaada soo cusboonaatay ummadana qalbigooda allaha isu soo jeediyo wadankeenana allaha ka dhigo meel kacaagan colaad iyo barakac

Leave A Reply